citysports24

Xeriirka Kubada Cagta EUFA ayaa soo saaray Qiimeynta Kooxaha taasoo ku saleysan Dhibcaha ay Kooxaha ka heleen Tartamada Yurub 4-tii sanadood ee lasoo dhaafay.

Naadiga Manchester City oo England ka socoto ayaa fooqa sare kasoo gashay Qiimeyntan, Iyadoo ka sareyso Kooxda heysato Koobka Champions League-ga ee Real Madrid oo soo tiigsatay Booska 2-aad, halka Kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool ay soo buuxiyeen boosaska 3-aad iyo 4-aad iyagoona u kala galay sida ay u kala horeeyaan.

Wax yaabaha Cajiibka ah ayaa ah in Kooxda reer Italy ee AS Roma ay si lama filaan ah kusoo tiigsatay Booska 5-aad kadib wacdarihii ay ka sameysay Tartamada Yurub Mudadii uu Tababaraha u ahaa Jose Mourinho oo ah Macalin aad ugu xeel dheer Tartamada Yurub.

Naadiga PSG ayaa soo xeratay Booska 6-aad iyadoo Kooxda Reer Spain ee Villarreal ay ayaduna si lama filaan ah kusoo tiigsatay Booska 7-aad, halka Kooxda Reer Germany ee Dortmound oo Xili Ciyaareedkii hore gaartay Final-ka Champions League-ga ay soo gashay booska 8-aad.

Waxaa markale si cajiib ah oo aan la fileynin booska 9-aad kusoo tiigsatay Kooxda baryahaan uu jahwareerka ku dhacay ee Chelsea, waloow ay Chelsea meelo sarsare kasoo tiigsaneysay Champions League-ga sanadihii 4-ta ahaa ee qiimeynta la sameeyay, Iyadoo kaliya 1 sano ka maqneed Tartanka.

Waxaa booska 10-aad soo buuxisay Kooxda Reer Italy ee Inter Milan taasoo Final-ka tiigsatay 1 jeer oo kamid ah 4-ta kal ee qiimeyntaan lagu saleeyay.

Mida layaabka leh ee aan qormadaan uga hadli rabno ayaa ah in Kooxda Westham ay soo gashay boos ka sareeyo halka ay qiimeyntaan kasoo galeen Kooxaha Arsenal iyo Barcelona.

Waloow ay Arsenal ka maqneed Champions League-ga inta ugu badan Mudada la sameeyay qiimeeyntaan, hadana qiimeyntaan waxee ku saleesan tahay dhamaan Tartamada Yurub, midaasoo cudur daar u diideysa Arsenal.

Dhanka Barcelona waxaa loo saleyn karaa dhaqaalo xumada baahsan ee ku habsatay, midaasoo xitaa sababtay in ay Group Stage-ka uga haraan Champions League-ga iyagoo mudo kadib ciyaaray Europe League-ga.

Westham oo qiimeyntaan kasoo tiigsatay Booska 16-aad ayaa ku kasbatay wacdarihii ay ka sameyneesay Tartamada Yurub mudooyinkii dambe, Iyadoo la xasuusto in ay hanatay Koobka Conference League.

Westham ayaana sidaa uga sareyso Atletico Madrid oo 17-aad soo gashay, Barcelona oo 18-aad soo gashay iyo Arsenal oo 19-aad soo cariirsatay, halka ay Kooxda Atlanta soo buuxisay Booska 2-aad.

LIISKA 20-KA U SAREYSO OO DHAMEESTIRAN  :

  1. Man City England
  2. Real Madrid Spain
  3. Bayern Munich Germany
  4. Liverpool England
  5. AS Roma Italy
  6. PSG France
  7. Villarreal Spain
  8. Dortmound Germany
  9. Chelsea England
  10. Inter Milan Italy
  11. Leverkusen Germany
  12. FC Porto Portugal
  13. RP Lipzing Germany
  14. Manchester United England
  15. Benfica Portugal
  16. Westham England
  17. Atletico Madrid Spain
  18. Barcelona Spain
  19. Arsenal England
  20. Atlanta Italy