citysports24

Wareejinta Chelsea oo soo dhawaatay iyadoo Conor Gallagher uu u safrayo  Madrid tijaabada caafimaadka si umaro

Wareejinta Chelsea oo soo dhawaatay iyadoo Conor Gallagher uu u safrayo  Madrid tijaabada caafimaadka si umaro

Fabrizio Romano oo shaaca ka qaaday war cusub oo ku xeeran Atletico Madrid xilli kooxda reer Spain ay ku dhowdahay saxiixa xiddiga Chelsea Conor Gallagher

Blues oo si aad ah u doonaysay inay iibiso Gallagher tan iyo markii ay aqbashay dalab 33 milyan oo ginni ah oo ay ku doonaysay ciyaaryahanka khadka dhexe, kaas oo iibkiisu uu faa’iido saafi ah u noqon doono buugaagta akoonnada sababtoo ah waa ka qalin jabiyay akadeemiyada

Taasi waxay ka faa’iidaysan doontaa Chelsea marka la eego xeerarka faa’iidada Premier League iyo xeerarka sii jirista Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano xiddiga Atletico oo qarka u saaran inuu u socdo dhanka kale ee Stamford Bridge

Enzo Maresca ayaa u sheegay Gallagher in uu kaliya noqon doono Ciyaaryahan kooxeed nidaamkiisa cusub taasoo ahayd sabab muhiim ah oo uu u go’aansaday inuu u dhaqaaqo caasimadda Spain

Laakiin Atletico oo sidoo kale ku sii dhawaanaysa in ay heshiis horudhac ah kula soo wareegto weeraryahanka Manchester City ee Julian Alvarez kaas oo sidii hore loo sheegay Pep Guardiola uu doonayo in uu qiimo sax ah ku iibiyo xagaagan

Atletico Madrid waxay ku dhowdahay heshiiska Julian Alvarez Waxay u soo bandhigeen in ka badan €75m £64m Alvarez Man City iyagoo ka shaqeynaya sidii ay maanta u heli lahaayeen Romano ayaa soo dhigay

Chelsea waxay ku dhowdahay inay 35 milyan ginni kula soo wareegto Samu Omorodion Atletico halka Conor Gallagher uu qarka u saaran yahay inuu u safro Madrid si uu tijaabada caafimaadka u maro maanta

Simeone oo doonaya in uu dhiso koox awood u leh in ay ku garaacdo kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid horyaalka La Liga waxana ay Atletico u muuqataa in ay Alvarez kala soo wareegayso Man City si ay ugu dhaqaaqdo talaabo adag

Maamulaha Atletico oo si gaar ah u codsaday in kooxdiisa ay la soo wareegto Alvarez xagaagan isaga oo u arka xiddig heer caalami ah oo kooxdiisa u badali kara kuwo ku guulaysta koobab xiriir ah

Alvarez ayaa u saxiixay Man City bishii Janaayo 2022 wuxuuna u saftay 103 kulan wuxuuna u dhaliyay 36 gool isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan lix koob oo waaweyn

Dalabka Atletico ee 64 milyan ginni ee ay ku doonayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaa u muuqda mid ku filan inuu isaga ka tago Cityzens sidaa darteed waxay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko cidda ay u keenayaan bedelkiisa