citysports24

Maxeey u baahan yihiin Kooxaha Top6 si ay isaga xureeyaan Man City ? Part4

Dabacn sida aad la socoteen taxanaheena aan ku kala dhig dhigeenay waxa ay u baahan yihiin Kooxaha Top6 ee Horyaalka Ingariiska si ay usoo tiigsadaan heerka Man City oo awood ku heysatay Horyaalka tan iyo markii uu Pep yimid, Inagoo horaanba usoo kala dhigdhignay baahiyaha Kooxaha Arsenal oo Part1 eheed, Liverpool oo Part2 eheed iyo Chelsea oo Part3 eheed uguna dambeysay.

Dabcan maanta waxaan mqaalka iskula qiimeyn doonaa 2-da Kooxood ee ka haray Top6 kuwaasoo iyaguna aan isla fiirin doono wax yaabaha ay u baahan yihiin si ay usoo tiigsadaan heerka Man City amaba xitaa Tartanka qeyb ugu soo noqdaan ugu yaraan.

Manchester United

Kooxda Manchester United oo ah Kooxda 1-aad ee aan Maqaalkeena kusoo qaadaneeno ayaa qabto baahiyo fara badan oo kaligooda xitaa laga sameyn karo dhoor maqaal, balse waxaan isku dayi doonaa bal in aan inta ugu daran kasoo qaadano walibo Inagoo soo koobi doona.

Sanado ka hor Kooxda ugu awooda badan Magaalada England ayey eheed United balse haatan xitaa Magaaladii Manchester ayaaba laga afgambiyay oo Manchester City iyo Iyaga waxaa u dhexeeyo masaafo aad u fog dhan walba.

Mida ugu weyn ee loo saleyn karo dib u dhaca Manchester United waa maamul xumo baahsan oo ku habsatay Kooxda, waayo dhaqaalana uma yareen, Ciyaartooy nooc walbana wey awooday in ay soo qaadato.

Waxyaabaha kalee la daalaa dhaceysay Kooxdan waxaa qeyb ka eheed helista Tababare buuxiyo booskii uu baneeyay Sir Alex oo ahaa Ninka United ay hortiisa iyo gadaashiisaba ay baraaraha is diidanaayeen, min David Moyes ilaa Ten Hag oo haatan lagu barbaryay shaqado United in uu sii wado kadib 2-sano oo ay iska meel dhaxaad ahaayeen oo uu Kooxda soo maamulay.

Wax ka badan 75% Taageerayaasha United ayaa aaminsanaa in ceyrinta Ten Hag ee xal u noqon doonto Kooxda, Iyagoo rajo ka qabay in Maamulkood cusub uu midaas sameyn doono, islahaana Maamulkan waa kuwii saxda ahaa ee Maamul xumada niiga saari lahaa, balse Maamulkooda cusub Ten Hag ayeyba sii aamineen oo Qandaraaskii usii kordhiyeen, Iyagoo Taageerayaasha ku yiri Waqtiga ayaa nakala saari doonee Ten Hag nala aamina mar kale, jawaabtusa waa la arki doonee.

Waxba yaan warka idiinku dheereyninee aan isla eegno baahiyaha ugu daran ee United heesto haatan, kuwaasoo ay tahay inee soo buuxiso si ay u tiigsato heerka City.

1- Qad dhexe waliba Burburiye

Manchester United meesha ay aadka uga liidatay xagaagii tagay waxee eheed Booska burburiyaha oo ay wakiil uga ahaayeen Casemiro oo u muuqday mid uu shidaalka ka dhamaaday iyo Ambarabat oo aan waxba dhaamin inuu ka liitay mooyee.

Baahid booskaas waxee saameeysay tayooyinka Xidigihii kale ee dhaxda sida Cabqarigooda Bruno, Hibada cusub ee Mainoo iyo xitaa Erikson iyo Mount oo jahwareer iyo laqabsi xumo ay u raaceen midaas.

United hadii ay leedahay waxaan isku sii haleyn doonaa Casemiro iyo Ambarabat, sheekadeedu masoo dhawa.

2- Daafacyo Cusub

Daafacyo cusub marka aan leenahay waa in ay United u baahantahay tiro Jamac ah oo ugu yaraan 3 Daafac ah, kuwaaso isugu jira Daafac dhexe oo buuxiya booska uu baneeyay Varane, hadii ay Mid kaloo dheeri ah kusii darsan karaan booskaasna waaba kasii macdahay oo tirada iyo tayadaba wee u kordhi karaan.

Sidoo kale United waxee u baahan tahay in ay Min 1 dambeed kusoo darto dambeedyadeeda, Shaw waa gabaabsi waxuuna rabaa Tartan adag, halka dhanka Midig oo ay joogaan Dalot iyo Wan Bissaka ay sideeda ku dhaafi karaan balse Wan Bissaka ma sii heysan doonaan oo raali maka yihiin ? Waa su’aal Iyaga jawaab uga baahan.

Lama hubo ilaa iyo haatan waxa ay Man United ka damacsan tahay xalinta caqabadaas Daafac, waxaase jiro ilaa dhowr magac oo lala xeriirinayo haatan, waana la arki doonaa sida ay u xaliso.

Eedo badab oo uu wajahay Goolhaye Onana ayaa ahaa kuwa gardaro ah, waloow uu mararka qaar sameeyo qaladaad shaqsiyadeed, hadana Kooxdiisa ma u heynin Daafacyo halista ka hor istaaga oo waxuu ahaa Gool hayaha wajahay darbooyinka ugu badan xagaagii tahay.

Hadaba la arki doonee si ay United ka yeesho Daafaceeda oo ah halka loogatusaala qaadan heerka ay gaari karto xagaaga soo socdo.

3- Weerariyahano ( Garbo iyo 9 dhaliye ah )

Manchester United waxee kaloo u baahan tahay Weerariyahan, hadii ay ahaan lahaayeen Garbo ama xitaa 9 toos ah.

Waa sax in ay United heysato garbo badan oo ay ugu tayo badan yihiin Garanacho oo hibo cajiib ah iyo Rushford oo joogteyntu dhib ku tahay, sidoo kale Antony oo ku wareersan iyo magacyo kalaba, hadana United waxee u baahan tahay in ay ugu yaraan soo kabto booskii uu baneeyay Sancho oo ay macalinka is qabteen ama Greenwood oo xaalado buuq awgooda Kooxda looga masaafuriyay.

Dhanka kale Manchester United waxee u baahan tahay weerariyahan dilaa ah maadaama Hujlond uusan wali gaarsiisneen heer uu hogaamiyo Weerarka Koox weyn sida United iyadoo Martial badalkiisana ay tahay in ay soo hesho ugu yaraan.

Weerariyahankaan oo ka tirsan Kooxda Blogna lagu magacaabo Zirkzee ayaa aad loola xeriirnayaa haatan, waxaana macquul ah in ay soo qaadato maalmaha nagu soo wajahan, waloow uu Isaguba eheen Midkii laga filaayag hadana waxee dhihi karaan ka war suga lama filaanka uu la yimaado.

Hadaba Adiga ahaan Aqristoow, maxee ku tahay in ay United u baahan tahay ? Ma jiraane waxyaabo aan ka tagnay oo aad nagu soo biirin leheed.

Tottenham

Aqriska kugu fogeen meeynee, Tottenham goorma ayey diyaar u noqon doontaa in ay Koob uun qaado ? Ma 10 sano kadib ama xitaa 100 sano hada kadib ah ? Adiga bal fikirkaada nagu biiri.