citysports24

Maxee u baahan yihiin Kooxaha Top6 si ay isaga xureeyaan Man City ? Part 3

Sida aad la socoteen waxaan wadnay taxanahaan aan ku bayaanineeno fikradeena ku aadan wax ay u baahan yihiin Kooxaha Top 6 ee Horyaalka Ingariiska, si ay isaga dulqaadaan gumeysiga ay Manchester City ku heysato Horyaalkaas sanadihii tagay.

Part 1 oo aan Arsenal kusoo qaadanay iyo Part 2 oo aan Liverpool kusoo qaadanay kadib, waxaan markana Part 3 kusoo qaadan doonaa Koox kale, taasoo iyaduna aan isla eegi doono dulduleelada uga baahan buuxiska si ay Tartanka qeyb uga soo noqoto.

Chelaea

Kooxdaan waxeey ku jirtay jahwareer badan tan iyo kadib markii ay hanatay Champions League-ga sanadkii 2021, Isbadal Milkiile iyo Maamul, Badbadalka xad dhaafka ah ee Tababare yaasha iyo Ciyaartooyda tiro beelka ah ee suuqa kasoo aruursato balse ay Tayada ku yartahay ayaa ugu wacnaa in ay Chelsea u muuq ekasto Koox meel dhaxaad ah iyadoo Sanado ka hor noqotay Kooxda Dunida kadib markii ay hanatay Koobka Kooxaha Aduunka.

Si lamid ah Liverpool inta aan u guda galin wax ay Chelsea u baahan tahay si ay usoo tiigsato heerka City oo ay haatan aad uga fogtahay, ugu horeeynba waa in aan calaamad su’aal dul dhigno Tababaraheeda cusub ee Enzo Maresca.

Chelsea ayaa sameysay isbadal Tababare markii 5-aad kaliya inta ay Maamulkaan cusub Kooxda joogaan, Min Tuchel, Poter, Lampard iyo Bruno oo ku simayaal noqday iyo Pochettino oo ahaa Midkii 5-aad ee la badalo kadib, Chelsea ayaa haatan Macalinkii 6-aad u dooqatay Tababarihii Kooxda Leicester City usoo qaaday Horyaalkii heerka 2-aad ee Championship, Ninka reer Talyaani ee lagu magacaabo Enzo Maresca kaasoo horaanba kaaliye ugu soo ahaa Tababare yaal waaweyn oo uu ugu horeeyo Pep Guardiola kaasoo uu kaaliye u ahaa Fasalkii baraaraha City oo ay hanteen 3-ley Koobab ah oo uu ku jiro Champions League-goodii ugu horeeyay.

Talyaanigan lagu qeexo in uu leeyahay Falsafad aad u wanaagsan Hormarin kartana Xidigaha curdunka u badan ee Chelsea heysato ayaa waxaa horyaalo Imtixaan Adag oo ka bistiisa looga fadhiyo, Mida leys weydiinayana waxee tahay ilaa Mudo intee la ey ayey ku qaadan kartaa in uu falsafadiisa ku shaqeysiiyo Chelsea ? Ma sidii Poter iyo Poch ayuu dhihi doonaa waqtigaa cariiri igu ah haley sugo ama durbaba wuu shaqeysiin doonaa ?

Waloow ay Chelsea siisay Enzo qandaraas fog hadana Kursiga Chelsea ma ahan mid sahlan, waxaana ka war sugeenaa Waqtiga in uu noo kala qeexo waxa uu la imaan doono Maresca.

Intaas kadib aan usoo laabano ujeedkeena oo aan isla eegno dulduleelada buuxiska uga baahan Chelsea si ay usoo gasho tartanka loogu jiro ka taqalusida Man City.

1- Weerariyahano ( Dhaliye iyo Garab Bidix )

Ugu horeeynba wey iska cadahay in baahida ugu weyn ee Chelsea heysato ay tahay Weerariyahan la’aanta ama xitaa aan dhahno Weerariyahan xumo.

Xili Ciyaareedkii tagay Weerariyahanka Chelsea ay ku duulaan tageysay waxuu ahaa Nicolas Jackson oo aan eheen Nin gaarsiisan heer uu hogaamiyo weerarka Koox diyaar u ah tartan, waloow uusan xumeen NJ hadana Maqaamka Chelsea ahaan marka loo eego wali magaarsiisno heerkaas oo ma lahan tayo uu ku hogaamiyo Weerarka Chelsea, waana mid kamid ah wax yaabaya ay Chelsea u tiigsan karin heerka City oo heesato Haaland oo isagoo xun xitaa Goal dhalinta iska qaadanayo.

Ninka kalee Chelsea isku haleyneesay ee moolka dhax seexiyay kadib markii uu dhaawacmay Xili Ciyaareedka oo bilaaba waxuu ahaa Nkunku oo ay Chelsea is leheed ha soxo waxii uu Jackson ku dheelo balse taas cagsigeeda isbitaalka u batay, waana sababta ay Chelsea haatan ugu baahan tahay Weerariyahan dilaa ah oo ka duwan wijiyadaan lagu yaqaano.

Kadib hadal heynta suuqeed ee Chelsea la xeriirineesay Magacyo waaweyn sida Osimhen, Tooney, Sesko, Alvarez, Gyokers iyo xitaa Isak oo baryihii dambe ahaa, dalabyada Chelsea waxeey kusoo biyo shubteen in ay suuqa ka baadi goobto Magacyo kuwaas ka duwan oo qaarkoodaba horay loo maqlin sida Samu, David, Duran iyo Marc Guiu oo ayba lasoo wareegtay haatan.

Iska indho tiri leheedaa ama soo qaadan leheedaaba Chelsea waxaa ku qasab ah in ay la timaado Weerariyahan dilaa ah waa hadii ay tiigsaneeso la tartamista Man City.

Dhanka kale waxaa Chelsea la gudboon in ay raadiso garab bidix oo ay iska ilowdo isku haleynta Mudryk iyo Sterling, ugu yanaa midkoodana ay ka tashato, hadii ay Chelsea leedahay wali kuwaan ayaan isku haleynayaana dabcan waa qamaartan kale oo fashilka sii joogteen kara.

Magacyo fara ku tiris ah oo booskaas ahaa ayaa Chelsea lala xeriiriyay waxaana ugu horeeyo oo ugu macquulsan Nico Williams oo haatan Spain uga wacdareynaya Tartanka EURO2024.

Balse Chelsea uma muuqato in ay diyaar u tahay qaadashada xidigan, waana arki doonaa sida ay Chelsea ka yeesho Weerarkeeda oo ah halka laga qiimeyn doono meesha uu shidaalkeeda gaari doono.

2- Goolhaye Fiican

Waxaa laga yaabaa in aad nala yaabto marka aad aragto Qodobkaan, maadaama ay Chelsea heysato ilaa wax ka badan 3 Goolhaye oo haatanba u ciyaari kara sida Sanchez, Petrovic, Kepa oo xitaa lagu daray Gaga oo isna amaah ku maqnaa, hadana Midkoodna uma muuqdo in uu yahay Mid lagu dagaalami karo, Mid walbana waxuu leeyahag meel uu aad uga liito.

Tusaale :

Sanchez waxuu ku fiican yahay Kubadaha lugta bakse waxuu aad ugu liitaa Qaladaadkiisa oo badan, taasoo ah sababtii ay xita Brighton oo uu ka ahaa Goolahayaha 1-aad balse loo dhaadhiciyay inuu noqdo Midka 3-aad oo Tarabuunka la saaro.

Kepa asagana waxuu ku fiican yahay Kubadaha Lugta, qaladaadkiisana ma badnl, balse Save-kiisa matka banaanka laga soo toogto ayaa ah Mid aan wanaagsaneen, waana sababta ay tahay in ay Chelsea isugu haleynin.

Petrovic Ninkaan oo ah Midka ugu macquulsan oo Save-kiisa uu fiican yahay, Qaladaadna aan sameyn ayaa Isagana aad ugu fiicneen Kubadaha Lugta ah waloow uu xumeen ilaa xad macquul ahna uu fiica yahay.

Waxaa lasoo warinayaa Tababaraha cusub ee Chelsea uu dooqiisa 1-aad ka dhigan doono Sanchez maadaama uu aad u doorbido in Goolhayihiisa uu ka qeyb noqdo kasoo dhisida Kubad laga soo dhiso gadaal ee loo yaqaano Build Up, waaba mid caqabad ku noqon karta Chelsea hadii qaladaadkiisii sidiisii u sameyn haayo.

Ma jirto haatan qorsho kasoo dhalaalayo Chelsea oo ay ku baadi goobeyso Goolhaye cusub, waase arki doonaa sida ay Chelsea uga gudubto caqabadaasi.

3- Dambeed ama Daafac Bidix oo lagu kabo Cucurella.

Dabcan Midaan Chelsea wey soo buuxisay haatan oo waxeey lasoo saxiixatay Renato Viega kaasoo ay kaliya 14 M uga soo qaadatay Kooxda FC Basel, Xidigaan ayaa ah nooca ay Chelsea u baahneed kaasoo awooda in uu ka ciyaaro Boosaska Dambeedka bidix, Daafaca dhexe ee bidix iyo xitaa Qadka dhexe, Awoodana inuu ku shaqeeyo falsafada loo yaqaano Inverted Full Back oo dambeedyada fursad u siineeso in ay dhaxda soo galaan.

Waxeey ahaan leheed fashil hadii ay Chelsea booskaas Dhiig cusub kusoo kordhin leheen oo ay wali maciin bidi leheed Chilwell oo u muuqdo mid ay ka dhamaatay, Iyadoo aan ognahay in ay Chelsea booskaas kasameeysay daqli badan oo kor u dhaafata 60M oo saafi ah kadib markii ay iibisay Lewis Hall oo Newcastle ku biiray iyo Ian Maatsen oo Aston Villa u dhaqaaqay.

Hadaba Aqriste, Ma jiraa wax kale oo ay Chelsea u baahan tahay si ay ugu soo biirto Tartanka ?