Maxee u baahan yihiin Kooxaha Top6 si ay isaga xureeyaan Man City ? Part 2
Dabcan sidii aan horayba uga soo hadalnay Part 1, waxaan isla dharaadharineenay waxa ay u baahan yihiin Kooxaha Top6 si ay uga Xuroowaan Man City oo Horyaalka rikaato Isaga heysatay Sanadihii lasoo dhaafay, Iyadoo si xeriir ah u hanatay 4-tii Horyaal ee ugu dambeysay.
Part 1 waxaan kusoo qaadanay Kooxda Arsenal oo aan xusnay in ay u baahan tahay in ay iska Xoojiso 3 Meelood, waxaana Part 2 kusoo qaadan doonaa Koox kale.
Liverpool
Inta aan u guda galin waxa ay Liverpool u baahan yahay si ay usoo tiigsato heerka Man City, waxaa marka horaba waa in aan xusno isbadalka Tababare ee ku yimid Liverpool iyadoo lumisay Tababaraheedii maqaamka ay maanta taagan tahay keenay Iyadoo iska meel dhaxaad ah.
Klopp ayaa doorasho xagiisa ka timid uga tagay Liverpool oo uu Mudo badan ku sugnaa, Isagoona Kooxda la qaaday Koob walba oo macquul oo uu xitaa ku jiray Horyaalka oo ay hortiisa sugaayeen wax ka badan Rubac Qarni.
Waxaa xusid mudan in Mudadii uu Klopp ku sugnaa Liverpool in ay aheyd Kooxda hardanka ugu badan la gashay Manchester City iyadoo ay ka qaaday Mid kamid ah Kaliya 2-da jeer ee uu Pep ku hungooway Horyaalka, halka Midka kale uu ahaa Midkii uu Conte u qaaday Chelsea Fasal-Ciyaareedkii 1-aad ee Guardiola.
Waxaa intaa dheer in Liverpool ay Mudo 2 jeer ah City la gaartay ilaa Maalinka ugu dambeeyo Horyaalka iyagoona si dirqi ah looga qaadaayay 2-daas Jeerba.
Hadaba Su’aasha Meesha taagan ayaa ah, Ninka haatan qabanaya Shaqadii uu Klopp ka tagay ee Arne Slot ma noqon doonaa Nin gashan kara Kabihii Klopp ? Oo Liverpool maku sii heyn doonaa in ay ahaato Koox taagan Maqaakeeda haatan, una tartameeso Koob walba ?
Waa su’aal uu Waqtiga nooga jawaabi doono, bal markaan aan isla eegno Ujeedka Qoraalkeenan iyo dulucda Ciwaanka Maqaalkeena, maxeey u baahan tahay Liverpool si ay kabta ula gashato Man City ?
1- Burburiye ama Number 6
Kooxda Liverpool ayaa baahida booskan qabtay xitaa Xagaagii hore, kadib lumintii ay lumiyeen Fabinho waxee ku dhibanaayeen in ay soo buuxiyaan booskaas, dhamaan dooqyadoodiu Xagaagii-tagayna waxaa ka afuduubatay Kooxd Chelsea oo 1 mar si wadajir ah uga dulqaaday Xidigaha Caicedo iyo Lavia oo ahaa qorshihii Liverpool ee booskaas, taasoo keentay in ay Liverpool maciin bado Wataru Endo oo dhiig joojin u noqday balse ay Iyaguba sii ogaayeen in aysan hardan kula gali karin City oo booskaa u heysato Rodri oo ah kan booskiisa ugu fiigan.
Waxaa haatan qasab ku ah Liverpool in ay la timaado Qof Adag oo u buuxiyo Booskaas, taasoo jaanis siin doonto Mac Allister oo Sanadkii hore dhoor jeer booskaas lagu qasbay.
Ma jiro ilaa hada Bartilmaameed la xaqiijin karo oo ay Liverpool u dooneyso buuxinta Booskaas, balee waxaa la hubaa in ay u dhaqaaqi doonto buuxinta Booskaasi.
2- Daafac Dhexe oo Tayo badan.
Waloow Liverpool ay heesato Konate iyo Quansah oo labduba Da’ ahaan yaryar, Tayo ahaana aan xumeen, hadana Midkoodna uma muuqdo in uu qaadi karo Masuuliyada Daafaca hadii ay dhacdo in la waayo Van Dijk oo ah Hogaamiyaha Daafaca Kooxda, kaasoo ay Da’du kulaaleyso haatan.
Liverpool waxee ku qasban tahay in ay la timaado Daafac weyn oo Masuuliyadaas qaadi karo, Marka yu Van Dijk joojina shafka u garaacan karo Kooxda, marka uu joogana Cilaaqaad fiican la yeelan karo, si ay u tiigsato heerka Kooxda Guardiola oo Tiro badnida Xidigaheeda ay keenta in aysan tabin Maqnaashaha Xidig ama 2, waana qasab in aad sidaas isu diyaariso hadii aad dooneyso la tartamida Koox sidaas ah.
Lama ogo dooqa dhabta ah ee Liverpool hadana waxaa lasii xaqiijin karaa in ay keeni doonto Daafac dhexe oo cusub, waa hadii ay ka go’an tahay Tartan.
3- Dhiig Cusub oo Weerarka ah.
Dabcan Qodobkaan inta aan galin, Tababaraha Cusub ee Liverpool waxaa ugu horeeyo ama ugu weyn ee laga doonayo ayaaba la dhihi karaa in uu soo saaro Tayada Xidiga ay dhalasho wadaaga yihiin ee Gakpo kaasoo u muuqday Mid ku dhiban doorkii uu adkeegsan jiray Tababarihiisii hore ee Klopp taasoo laga dareemi karo marka uu Xidigaan ka ciyaarayo Qarankiisa.
Gakpo oo caadi ahaan aad ugu wanaagsan Garabka Bidixda ah ayey Liverpool ku dirqineesay Boosas badan oo ka fog Midkaas sida, Weerarka beenta ah iyo xitaa Qadka dhexe, waxaana muuqatau in uu ku dhibtoonaayay.
Hadaba Arne ma siin doonaa Gakpo xuriyad uu ku ciyaaro booskiisa dabiiciga ah ? Waa su’aal jawaab u baahan, balse uu Waqtiga uun nooga jawaabi doono.
Marka laga yimaado Gakpo Kooxda Liverpool waxee u baahan tahay in ay Weerarkeeda wax uun kusoo kordhiso, maadaama Salah oo hogaamiyahooda ah uu sidii hore eheen Macquulna ay tahay in uu mar aan dheereenba ka tago, Diaz iyo Jota ay iyaguna yihiin kuwa u nugul dhaawacyo, Iyadoo xitaa Diaz la leeyahayba waxaa macquul ah in ay iska iibiso Liverpool, halka Nunez uu isaguna yahay Mid ka duwan Midka u ciyaaro Xulka Uruguay marka uu xeran yahay Fanaanada Liverpool, sida aan horay u xusnayna Gakpo isagana ma helo jaanis uu kaga Ciyaaro booska uu ku wacan yahay.
Hadaba Aqriste, Adiga ahaan maxee kula tahay in ay Liverpool ka dhiman yihiin ? Mase heysaa Qodob kale oo aad ku biirineeso intaan aan Anagu u aragnay in ay yihiin baahid Liverpool ?