Maxee u baahan yihiin Kooxah Top6 si ay isaga xureeyaan Man City ? Part 1
Sida aan dhamaanternba ka war qabno, Kooxda uu Macalin PEP hogaamiyo ee Manchester City ayaa awood isaga heysatay Horyaalka Premier League-ga Ingariiska, Iyagoo si xeriir ah u hantay dhamaan 4-tii jeer ee u dambeysay, si kale hadaa u dhahnana 6 kamid ah 7-dii jeer ee u dambeysay, Taasoo ah wax u muuqdo Gumeysi oo ay City ku heysato Horyaalka ugu xamaasada badan Dunida, iyadoo u ekeysiisay kuwa ay Saxaafada Ingariiska ugu yeerayeen Horyaalada Beeraleyda.
Hadaba Qormadaan waxaan iskula eegi doonaa waxa ay u baahan yihiin Kooxaha kale ee Horyaalka si ay isaga dulqaadaan Manchester City, Anaga oo qormadeena ku saleyneeno kaliya Kooxaha Top6 leesku dhoho marka laga reebo City, waxaana u dul istaagi doonaa mid mid Anaga oo u kala hormarin doono sida aan u aragno in ay ugu kala dhawyihiin ka taqalusida Manchester City oo iyaduba uu u muuqdo waayaheeda mid soo idlaan kara, Maadaama aan la hubin in uu Pep baaqi kusii ahaan karo Kooxda Xagaaga ka dambeeyo Midka haatan bilaaban doino, tiiyoo ay jirto in ay heestaan Cadaadisyo kale oo la xeriir dhanka shuruucda Dhaqaalah oo laga yaabo xitaa in lagu ganaaxo.
Waxaan Qormo walba kusoo qaadan doonaa kaliya 1 Koox, maadama aan rabno in aan laga caajsin aqrinta Qormooyinkeeno oo aysan noqon kuwa dheeraada.
Arsenal The Gunners
Dabcan si iska cad Arsenal waa Kooxda ugu cadcad ee Qof walbaba niyadiisa kusoo dheceeso hadii uu maago in uu ka fikiro Koox afgambin karta Manchester City maadaamaa Wiilasha Macalin Arteta ay yihiin kuwa System diyaarsan heesta waqti badana lasoo giliyay, jaanta isla heesto oo kaliya u baahan 1 ama 2 boos in ay iska xoojiyaan si ay u tiigsadaan Heerka Man City oo au haatanba qarka u saaran yihiin.
Kama marna in ay yihiin Kooxda 2-dii kal ee lasoo dhaafay City ku cadaadineesay Horyaalka, iyagoo kii u dambeeyay dagaalamay ilaa Maalinta ugu dambeyso Horyaalka, waloow ay Iyaguba ahaayeen kuwa ugu cadcadaa, balse ay meel xun ku kufeen, hadana taasi waxee u noqon kartaa waaya-aragnimo ay kusoo dagaal galaan xagaagan.
Hadaba Arsenal maxee u baahan tahay si ay Man City u afgambiso ? Maxaana ka dhiman haatan ?
Jawaabtu waa Mid iska sahlan oo Arsenal waxeey haatan u baahan tahay 2 Boos oo u baahan in lasoo dhiso iyo 1 boos oo u baahan in la kabo oo dhiig cusub lagu biiriyo.
1- Daafac Bidix
Arsenal waxee u baahan tahay in ay iska soo xoojiso booskaas daafaca Bidix, Iyadoo ku saleyneeso habka ay dooneyso in ay u ciyaarto, taaso ah qaabka loo yaqaano Inverted Full Back, waxaana qasab ah in ay keensadaan dambeed bidix awooda in uu dhaxda soo galo, kubadana baastami karo oo qeyb ka noqon karo soo dhisitaanka, waxaana haatan aad loola xeriirnayaa Wiilka reer Italia ee wacdaraha ka dhigay Koobka EURO2024 ee Riccardo Calafiori.
Kaasoo ay haatan kala xaajoonayaan Kooxdiisa Blogna oo iyaduba dooneyso in Xidigaan ka iibiso Kooxaha Ingariiska ah maadaama ay u diidan tahay Kooxda Juventus oo uu heshiis la gaaray, waloow ay Arsenal tartan kala kulmeeso Chelsea hadana waxeey u muuqataa mid ku cadcad saxiixa Xidigaas, kaasoo xal weyn u noqon kara baahida Gunners ka heesato booskaa Dambeedka bidix oo Zinchenko kasoo bixi waayay.
2- Weerariyahan dhameestiran
Mis kamid ah Caqabadaha ugu weyn ee Naadiga Arsenal heysatay 2-dii jeer ay City la tartantay waxee eheed in aysan heysan Weerariyahan ay ka helaan Goolal u dhigma ama ku dhaw kuwa uu Haaland siiyo Man City, Jesus oo Isagoo masuuliyadaba ay ku cusleed hadana dhaawac kusii darsday iyo Havertz oo booskiisa dabiiciga ah uusan eheen Afkaas hore ayey Arsenal naf ka raadineesaa, taasna macquul ma ahan in ay marna ku afgambiyaan City, waxaana qasab ku ah Arsenal in ay helaan weerariyahan dilaa ah oo ugu yaraan siin kara 20 Gool oo Horyaalka ah.
Bartilmaameedka ugu weyn ee Arsanal waxuu ahaa Sesko oo go’aansaday in uu iska sii joogo Kooxdiisa RP Lipzing, ilaa iyo haatana ma jiro Weerariyahan kale oo si toos ah lool xeriirinayo Arsenal, waloow ay jiraan warar la xeriirinaya Weerariyaho kala duwan oo ay ku jiraan Osimhen, Gyokers iyo qaar kale, hadana maalmihii ugu dambeeyay waxaa aad loola xeriirinaayay Weerariyahanka Blogna ee lagu magcaabo Joshua Zirkzee kaaso ay ku heysato Kooxda Manchester United
Hadaba Zirkzee noqdaa amaba Mid kale ahaadaaba, Arsenal waa ku qasab in ay keensato Weerariyahan dilaa ah, waa hadii ay rajo ka qabto in ay Afgambiso Manchester City.
3- Qad Dhexe ( Burburiye )
Booskaan uguma baahno Arsenal sida 2-dii boos kale ee aan kasoo hadalnay, balse waxee u baahan tahay in ay iska soo xoojiso oo ay dhiig cusub kusoo darto.
Waloow ay qandaraaska u kordhiyeen Jorginho oo ahaa Ninka booskaas uga ciyaaraayay Xagaagii tagay, hadana Jorge haatan uma sii muuqdo mid tama ahaan Tartan adag lagu gali karo, waloow uu Waaya Aragnimo ahaan wax badan ku kabi karo Kooxda.
Dhanka kale Partey oo ah Midka Tamar ahaan lagu dagaalami karana waxuu u muuqdaa Mid aysan usku qanacsaneen Macalin Arteta iyadoo ay taas dheertahay in Xidigan uu yahay dhaawacle aan leesku haleyn karin xili adagna dhaawacmi kara.
Midaas ayaa muujineeso in Declan Rice oo uu Arteta u badalay Rule ah Box-to-Box uu kaligiisa ku cidloon karo dhaxda, misana uu u baahan karo lamaane Adag oo u qabto howlaha kasoo haro kuwa uh isagu qaban kara, sida Kubada in gadaal laga sii dhiso iyo in Booska loo sii ilaaliyo marka uu isagu u boxo Weerar ama Cadaadis saarida Kooxda kale.
Ma jiro haatan Bartilmaameed la magacaabi karo oo ay Arsenal u raadsaneeso booskaas, waxaana ugu macquulsan inta ay haatan heli karto, Bruno Guimaraes oo Newcastle ka tirsan balse qiimo sare ka jooga suuqo, Joshua Kimich oo gadood ka ah Bayern Munich si fududna ay ku heli karto Arsenal hadii ay u balan qaado Mushaar fiican iyo Martin Zubimendi oo isna uu aad u taageero Arteta dooqiisana ah, waloow uu Xidiga sheegay in uusan diyaar u eheen ka tagista Horyaalka Spain.
Hadaba Aqriste, Adiga maxee kula tahay in ay Arsenal u baahan tahay si ay u afgambiso Man City ? Ma jiraan meelo kale oo aan Anagu xusin oo qy tahay in ay iska xoojiso ?