citysports24

Maxaa u xal ah CHALOBAH maadaama laga reebay safarka Chelsea ?

Daafaca Kooxda Chelsea mudada ku sugnaa ee Chalobah ayaa helay wargelin loogu sheegayo in uusan qeyb ka eheen Xidigaha Chelsea ula safray USA ee ka qeyb qaadan doono Kulumada is-diyaarinta ah ee halkaasi ku ciyaari doonto Kooxda Chelsea.

Arinkaan ayaa Chalobah u cadeysay in uusan qeyb ka eheen qorshaha Tababaraha dhawaan galka ah ee Kooxda Blues la wareegay ee Enzo Maresca.

Tababare Enzo Maresca ayaa go’aansaday in uu Chalobah waqtiga ka lumin, halkii uu Pre-season u raaci lahaa Chelsea-na uu ka shaqeeyo siduu u raadsan lahaa Koox uu ku biiro xagaaga dambe maadaama uusan qeyb ka eheen Qorshahiisa Xagaaga dambe.

Daafacyada dhawaan galka ah ee Tosin iyo Vieaga ayaa qeyb ka noqday Xidigaha Blues ula safray USA, halka Ninka dhaawac fog kasoo laabtay ee Wesley Fofana uu Isagana qeyb ka noqday safarka, taasoo dhalisay in Tababaraha uu dareemo isku filnaasho Daafac oo uu kaga maarmay Chalobah oo ay Chelsea suuqa soo dhigtay.

Hadaba su’aasha miiska saaran ayaa ah maxaa u qorsheysan Chalobah maadama ay Chelsea ka tashatay ?

Waloow uu niyad jab weyn ka muujiyay in laga reebo safarka Kooxda, hadana Daafacaan waxaa u cadaatay in la gaaray xiligii uu raadsan lahaa isbadal cusub, Isagoona markaan wadahadalo la furan doono Kooxo dhowr ah oo xiiso u qabo helitaankiisa.

Kooxo dhowr ah oo Gudaha Premier League-ga iyo banaankiisaba ka ciyaaro ayaa isha ku haayo Xidigan, balse waa in ay diyaar ka ahaato qiimaha lacageed ee Chelsea ku dooneyso daafacan oo lagu qiyaasayo 25M ilaa 30 M.

Kooxo ay kamid yihiin Westham, Aston Villa iyo Everton ayaa ka war sugaayay xaalada Xidigan waxaana macquul ah in uu u dhaqaaqo midkood, Iyadoo dhanka kalana ay Kooxda AC Milan u aragto Chalobah in uu badal u noqon karo Tomori oo doonayo in uu Milan isaga soo tago kuna soo laabto Horyaalka Premier League-ga.

Ilaa iyo haatan kalama cado halka uu yaalo Mustaqbalka Chalobah, waxaana lakala ogaan doonaa halka uu ku dambeyn doono Todobaadyada nagu soo wajahan.

Xidigaan oo inta badi lagu dhaliilo in uu yahay Ciyaariyahan dhaawac badan ayaa Chelsea ka helay fursadiisii ugu horeysay ciyaar Final-ka Uefa Super Cup ah, waxii intaas ka dambeysayna waxuu door muhiim ah kulahaa Kooxdii uu watay Tababare Tuchel oo Chalobah aad u aaminsanaa.

Waloow uu inta badan dhaawac ku maqnaa xagaagii tagay, hadana Chalobah ayaa booskiisa ka dhacsaday Shaxda Tababarihii tagay ee Pochettino dhamaan Kulamadii ugu dambeeyay Xili Ciyaareedkii tagay.

La arki doonee halka uu ku dambeeyo daafacaan dhalashada England heysta ee kasoo aflaxay Academy-yada Kooxda Chelsea.