Manchester United waxaa dhaawac ka soo gaaray labo ciyaaryahan iyadoo Marcus Rashford iyo Antony
Manchester United waxaa dhaawac ka soo gaaray labo ciyaaryahan iyadoo Marcus Rashford iyo Antony ay labaduba dhaawacyo soo gaareen intii lagu guda jiray safarkoodii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka cusub
Rashford oo xilli ciyaareed niyad jab leh soo maray sannadkii hore isagoo dhaliyay sideed gool ayaa lagu qasbay inuu ka baxo garoonka wax yar ka hor saacada sababtoo ah waxa u muuqday dhaawac canqowga ah oo halis ah Tani waxay dhacday ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Betis Sergi Altimira uu cagta midig ku istaagay
26 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa u tilmaamay physio-ga cusub ee kooxda ee Jordan Reece inuu yahay dhaawac saameyn leh
Inkastoo uu ku dhibtoonayay xilli ciyaareedkii hore Rashford ayaa u muuqday mid qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay ilaa uu dhaawac ka soo gaaray isagoo dhaliyay rigoore islamarkaana caawiyay Casemiro goolkii guusha Antony ayaa sidoo kale ku qasbanaaday inuu goor hore ciyaarta ka tago dhaawac dartiis, ka dib markii uu garoonka ku jiray kaliya 23 daqiiqo isagoo bedel kusoo galay qeybtii labaad
Niyad jabka Antony ayaa caddaatay markii uu iska saaray cajalkii gacanta oo uu si toos ah ugu sii dhacay tunnelka isaga oo uu weheliyo physio dhaawicii ka yaraa Rashford
Dhaawacyadan oo yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in saxiixa cusub ee United ee 59 milyan ginni Leny Yoro uu garoomada ka maqnaan doono seddex bilood ka dib markii looga shakiyay inuu jabay Yoro ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray kaliya kulankiisii labaad ee United, guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Arsenal magaalada Los Angeles halkaasoo sidoo kale uu ku dhaawacmay weeraryahan Rasmus Hojlund
Hojlund oo gool hore ka dhaliyay Arsenal oo waxaa soo gaaray dhaawac muruqa ah daqiiqado uun ka dib goolkiisa waxaana la saadaaliyay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo lix isbuuc ah Weeraryahanka cusub ee United 35.6 milyan ginni weeraryahanka reer Holland Joshua Zirkzee, ayaa soo gali kara si uu u buuxiyo booska uu baneeyay Hojlund taasoo ka dhigeysa in Ten Hag uu wajahayo laba daran mid dooro haddii dhaawacyada Rashford iyo Antony ay noqdaan kuwa daran
Hojlund oo gool hore ka dhaliyay Arsenal oo waxaa soo gaaray dhaawac muruqa ah daqiiqado uun ka dib goolkiisa waxaana la saadaaliyay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo lix isbuuc ah Weeraryahanka cusub ee United 35.6 milyan ginni weeraryahanka reer Holland Joshua Zirkzee ayaa soo gali kara si uu u buuxiyo booska uu baneeyay Hojlund, taasoo ka dhigeysa in Ten Hag uu wajahayo laba daran mid dooro haddii dhaawacyada Rashford iyo Antony ay noqdaan kuwa daran
Rashford iftiimay maqnaanshiyaha Hojlund ka hor dhaawaciisa Si kalsooni leh ayuu rigoore ugu dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta,waxana uu barbareeyay wax yar ka dib markii uu Iker Losada hogaanka u dhiibay kooxda reer Spain
Amad oo hogaanka u dhiibay United ka hor inta uusan Casemiro sii dheereysan qeybta hore ee ciyaarta Si kastaba ha ahaatee, Betis waxa uu ku hubsaday kubad uu madax ku dhaliyay Diego Llorente ka dib bixitaankii Rashford, ka hor inta aan la arkin isbedelo badan oo ay United ku soo bandhigtay dhowr ciyaaryahan oo da’yar ah heerarkii ugu dambeeyay, welina ay guul gaartay