citysports24

Manchester United oo ku dhow inay heshiis la gaarto weeraryahanka Arsenal Chido Obi-Martin kaasoo lagu tiriyo mid ka mid ah da’yarta ugu fiican Yurub

Waa maxay sababta ay Man Utd ula soo saxiixatay weeraryahan ‘qaawan’ Chido Obi-Martin Wax walba oo aad u baahan tahay inaad ogaato

Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto weeraryahanka Arsenal Chido Obi-Martin kaasoo lagu tiriyo mid ka mid ah da’yarta ugu fiican Yurub

Obi-Martin oo go’aansaday inuu isaga tago Arsenal ka dib markii uu dhacay heshiiskii wiilka iskuulka waxaana xiiseynaya Bayern Munich Borussia Dortmund Eintracht Frankfurt Ajax iyo Monaco

Laakiin 16-sano jirkaan oo hadda u muuqda mid ku biiraya United ka dib markii uu la hadlay Ruud van Nistelrooy oo uu ku qancay inay u soo bandhigi doonaan wadada ugu fiican ee hore

Waxaan soo diyaarinay wax walba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato weeraryahanka aadka loo qiimeeyo kaasoo raacaya wadadii Robin van Persie iyo Alexis Sanchez isagoo ka soo dhaqaaqay Arsenal kuna biiray Man Utd

Xirfadiisa ilaa hadda Obi-Martin wuxuu ku dhashay magaalada Glostrup ee Danishka bishii Noofambar 2007 Obi-Martin wuxuu xirfaddiisa kubbadda cagta ka bilaabay kooxda maxalliga ah ee FC Copenhagen

Qoyskiisa oo u guuray London isagoo 13 jir ah  Arsenal ayaana kula dagaalantay kooxaha Chelsea iyo Tottenham si ay u helaan saxiixiisa

Weeraryahanka oo sameeyay cinwaanno caalami ah bishii Noofambar 2023 isagoo u dhaliyay 10 gool 16-jirada Arsenal kulan ay 14-3 kaga badiyeen Liverpool

Wax qabadkiisa oo sidoo kale soo jiitay dareenka Mikel Arteta markaas 15-sano jir ayaa lagu casuumay inuu tababar la qaato kooxda koowaad ee Arsenal

Waxa uu sameeyay tillaabo aan kala go lahayn oo uu ku gaaray koox da weyn wuxuuna ku dhameystay xilli ciyaareedkii 2023/24 isagoo dhaliyay 32 gool 20 kulan oo uu saftay Premier League Under-18

Waxaana ka mid ahaa afar gool oo ay Crystal Palace iyo Fulham la kala dhaliyeen iyo shan gool oo ay West Ham United ka dhaliyeen iyo sidoo kale todoba gool oo ay ka dhaliyeen Norwich City

Hadda waxa uu haystaa rikoorka goolasha ugu badan ee uu u dhaliyay Arsenal 18-jirada hal xilli ciyaareed kaasoo uu hore u haystay Folarin Balogun

16 jirkaan oo sidoo kale seddex kulan kasoo muuqday UEFA Youth League iyo labo kulan uu u saftay 21-jirada 2023/24

Kubadda cagta caalamiga ah waxa uu u soo ciyaaray Denmark iyo England heerkii dhalinyarada halka uu sidoo kale u qalmo inuu u ciyaaro Nigeria isaga oo u maraya aabihiis

weeraryahanka ugu dambeeyay muujinaya in  uu doonayo inuu matalo Denmark isagoo dhaliyay 10 gool 14 kulan oo uu u saftay 17-jirada

Labo ka mid ah goolashaas waxa uu yimid tartanka UEFA European Under-17 Championship waxaana loo magacaabay kooxda tartanka ka dib markii uu Denmark ka caawiyay inay gaarto semi-finalka

Obi-Martin wuxuu dhawaan ku biiray hay’adda Elite Project Group, oo macaamiisheeda kale ay ka mid yihiin Bukayo Saka Jadon Sancho Romeo Lavia iyo Eddie Nketiah