citysports24

Manchester United oo diyaar u ah inay diirada saarto ciyaartoy kale oo khadka dhexe ah ka dib markii ay ku guuldareysteen inay la soo wareegaan xiddiga Paris Saint-Germain Manuel Ugarte

Manchester United oo diyaar u ah inay diirada saarto ciyaartoy kale oo khadka dhexe ah ka dib markii ay ku guuldareysteen inay la soo wareegaan xiddiga Paris Saint-Germain Manuel Ugarte sida laga soo xigtay David Ornstein qaar ka mid ah bartilmaameedyada ugu weyn ee booska ayaa durba la shaaciyay

Iyadoo Casemiro wali la filayo inuu aado Saudi Arabia xilli ciyaareedkaan Man Utd ayaa saxiix cusub u aqoonsatay khadka dhexe ee daafaca. Madaxa kooxda Sir Jim Ratcliffe ayaa dhawaan bilaabay wadahadalo uu PSG kula soo wareegayo Ugarte kaas oo lagu badali doono xiddig kale oo Man Utd lala xiriirinayo Joao Neves  oo ku sugan caasimadda Faransiiska

Waqti badan kuma qaadan Man Utd in ay heshiis shaqsi ah la gaarto Ugarte laakiin heshiiska PSG ayaa ahaa mid aad u adag in la gaaro

Kooxda Ligue 1 ka dhisan oo ku iibsanaysa aduun dhan 60 milyan oo euro £51.4m taasoo ahayd wixii ay Sporting Lisbon ka siisay inay la soo wareegto xiddiga reer Uruguay bishii July ee sanadkii hore



Waxaa jiray warar xan ah oo sheegaya in laga yaabo in PSG ay aqbasho dalabka Man Utd oo ku kacaya wax ka yar 50 milyan ginni laakiin taasi waxay noqotay mid niyad jab leh

Ornstein ayaa sheegay in Man Utd ay isaga baxday wada xaajoodkii ay kula jirtay PSG maadama ayna Ugarte ku qiimaynayn 51.4 milyan ginni

Sida kaliya ee ay Man Utd ku soo laaban karto 23 jirkan oo ah hadii PSG ay hoos u dhigto qiimaha ay ku dalbanayso taas oo u muuqata mid aan macquul ahayn PSG waxay og tahay inay awood u leedahay inay qiimo fiican kaga iibiso Ugarte xagaagan maadaama uu xiisa ka helay kooxo kale oo badan

Ornstein oo intaa ku daray in Man Utd ay haatan kor u qaadi doonto xiisaha ay u qabto ciyaartoyga kale ee khadka dhexe iyaga oo isku dayaya in ay kooxda Erik ten Hag gaadhsiiyaan heer kale

Wareejinta Man Utd Ugarte waa ay soo afjartay laakiin waxaa soo baxay waxyaabo kale

Suxufigu ma magacaabin mid ka mid ah bartilmaameedyada gaarka ah ee Man Utd inkastoo qaarkood hore loo shaaciyay Jimcihii

Sida ku cad Duncan Castles Ratcliffe waxa uu dejiyay liis afar ka kooban oo ah beddelka suurtagalka ah ee Ugarte Liiskan waxa ugu horeeya Martin Zubimendi kaas oo sumcad weyn ku helay Real Sociedad iyo Spain sanadihii ugu dambeeyay

Mikel Arteta ayaa aad ula dhacsan Zubimendi tani waxay keentay in Arsenal lala xiriiriyo dhowr daaqadood oo kala iibsiga ah Laakiin Gunners ayaan waligood awoodin in ay heshiis la gaaraan 25 jirkan taas ayaana keentay in ay u dhaqaaqaan saaxiibkiis Sociedad ee Mikel Merino