citysports24

Man Utd waxay ka cabsi qabtaa in Leny Yoro uu wajaho dhaawac waqti dheer ah

Man Utd waxay ka cabsi qabtaa in Leny Yoro uu wajaho dhaawac waqti dheer ah maadaama lagu arkay biraha
Daafaca dhexe ayaa soo baxay daqiiqadii 33-aad ee guuldarada waxaana la sawiray isaga oo isticmaalaya biro isla markaana xiran kabo balaastiig ah oo cagtiisa bidix ah ku leh UCLA xarunta tababarka United ee LA

Saxiixa cusub ee Manchester United Leny Yoro oo ku kacaya 59 milyan ginni ayaa laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado muddo dheer ka dib dhaawac cagta ah

Yoro oo horaantii bishaan laga soo iibsaday Lille ayaa ku dhaawacmay kulankii United ay 2-1 guuldarada ah kala kulantay Arsenal sabtidii garoonka SoFi Stadium ee Los Angeles iyadoo laga cabsi qabo inuu muddo dheer garoomada ka maqnaado

Daafaca dhexe oo soo baxay daqiiqadii 33-aad ee guuldarada waxaana la sawiray isaga oo isticmaalaya biro isla markaana xiran kabo caag ah oo ilaalinaya cagtiisa bidix ee UCLA  xarunta tababarka United ee LA


Waayida suurtagalka ah ee Yoro muddo dheer ayaa dhabar jab weyn ku ah United iyo tababare Erik ten Hag, kaasoo qorsheynayay inuu xilli ciyaareedka cusub la bilaabo 18 jirkaan oo udub dhexaad u ah difaaciisa cusub

Haddii Yoro la heli waayo bilowga xilli ciyaareedka waxay la macno noqon kartaa in United ay ololaha cusub ku bilaabato Harry Maguire iyo Jonny Evans oo difaaca dhexe ah

Lisandro Martinez oo ah dooqa koowaad ee daafaca dhexe ee Ten Hag oo weli ku soo laaban tababarka ka dib markii uu Argentina ka caawiyay inay ku guuleystaan Copa America waxaana laga yaabaa inuusan diyaar u aheyn inuu ku bilowdo furitaanka Premier League ee guriga Fulham 16ka Agoosto

Yoro ayaa seegi doona kulanka labaad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee United oo ay la ciyaarayaan Real Betis ee San Diego Arbacada iyo kulanka ugu dambeeya ee safarka Mareykanka oo ay la ciyaarayaan kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool ee North Carolina Sabtida

United oo wajihi doonta kooxda Manchester City kulan ka tirsan Community Shield oo ka dhici doona Wembley usbuuca sabtida ka hor inta aysan furin xilli ciyaareedka Premier League iyagoo gurigooda kula ciyaari doona Fulham Jimcaha, Agoosto 16