Ma Netherlands ama England ? Yaa Final-ka ku wehlin doono Spain ?
Waxaa caawa la ciyaari doonaa Semifinal-ka 2-aad ee Tartanka EURO2024, Iyadoo ay fooda is dari doonaan 2-da Qaran ee kala ah Netherlands 🇳🇱 iyo England 🏴
Kulanka : Netherlands vs England
Goobta : BVB Stadium Dortmound
Goorta : 22:00 XGA ( 4 saac habeenimo )
Garsoorka Kulanka :
Xogo Kookooban oo ku saabsan Kulanka :
Xulka Qaranka Spain 🇪🇸 oo durbaba xaley iska sii xaadiriyay Final-ka tartanka kadib markii 2-1 ku garaacay dhigiisa France 🇫🇷 ayaa sugaayo in uu caawa helo Qarankii la ciyaari lahaa Final-ka oo Maalin Axada ah lagu balan san yahay.
Xulka England oo inta uusan tartanka bilaaban Isu heystay in uu yahay kan ugu cadcad hanashada Koobka marka laga tix raaco saadaasha saxaafadooda ayaa markan raadinaayo in uu gaaro Final-kii 2-aad oo xeriir ah, Iyadoo aan xasuusano in ay Koobka lumiyeen kalkii ugu dambeeyay ee la qabto Koobka Sanadkii 2020-kii, Kolkaas oo ay Italy uga qaaday Rigoorayaal.
Bandhig ka liita Midka ay afka isugu saadaalinaayeen ayey ku furteen Koobka Xulka England, Iyagoo kaliya 1 Guul gaaray Kulamidoodii Group-ka kadib markii ay Serbia garaaceen Ciyaartoodii furitaanka, halka 2-dii Kulan ay ciyaareen wareega Bug-Baxda ay labaduba ku adkaatay in ay guuleystaan 90-ka daqiiqo, Slovakia oo ay waqtiga dheeriga ah garaaceen iyo Switzerland oo ay Rigoorayaal uga soo gudbeen Quarter Final-ka ayaa ka saaciday in ay soo tiigsadaan heerka ay haatan joogaan.
Dhanka Netherlands iyagu qudhooda si gaabis ah ayey ku bilaabeen Tartanka, waxeeyna heleen kaliya 1 Guul sida England camalna guushaasi waxee timid Kulankoodii furitaanka oo ay garaacee Poland, waxaa u raacay Barbaro Goal la’aan ah oo ay la galeen France iyo Guul-daro xanuun leh oo kasoo gaartay Austria.
Balse Netherlands waxee lasoo bexeen waji cusub markii la gaaray wareega Bug-Baxda iyagoo Kulankii 1-aad natiijo 3-0 ah ugu awood sheegtay Romania oo lees lahaa amee ka hoos bixisaa, halka Kulankii xigay ee Quarter Final-ka ay Guul kale oo 2-1 ah ka gaareen Turkey oo xitaa Goal-ka kala horeysay.
Netherlands waa xul aan laga hor istaagi karin Goosha, waxeena ku fashilmeen in ay Goal dhaliyaan kaliya 1 ciyaar oo ah Midii ay wajeheen France, Iyagoo 2 Goal iyo wax ka badan dhalinaayay dhamaan 4-tii Kulan ee kale, halka England uu aad ugu dhiban yahay Goosha, maadaama aysan xitaa 1 kulan u suuro galin in ay dhaliyaan wax 1 Goal ka badan.
Balse dhanka daafacashada waxaad moodaa in ay ku yara fiicantahay England waloow ay shabaqooda wada ilaashteen min 2-jeer, hadana England waxaa laga dhaliyay kaliya 3 Goal, halka Netherlands laga dhaliyay 5 Goal.
Kaliya 3 Jeer oo hore ayey ayey 2-daan Xul ku kulmeen Koobababka Caalamiga ah, Iyagoona kala qaatay Min 1 Guul, halka Kulanka kalana ay ku kala bexeen Barbaro.
Balse 9-kii Kulan ugu dmabeeyay oo ay is wajaheen, Netherlands ayaa aad u gacan sareysay iyagoo 4 Guul iyo 4 Barbaro ka helay Ciyaarahaas, halka England ay heleen kaliya 1 Guul.
Halista Weerarka Netherlands waxaa muujineeso in ay yihiin Xulka kaliya ee heesto wax ka badan 2 Xidig oo beegsaday wax ka badan 10 Darbo sidoo kalana abuuray wax ka badan 10 fursadood ( Memphis oo 14 Darbo iyo 10 Fursadood iyo Gakpo oo sameeyay 13 Darbo iyo 11 Fursadood ) ayaana ah Xidigaha Holland ugu caaboon, Iyadoo uu Gakpo yahay Xidiga ugu Goalasha badan Tartanka maadaama uu leeyahay 3-Goal Isagoona caawiyay Goal kale.
Xidigaha Furayaasha u ah 2-da Xul ayaa noqon kara Gakpo oo ah halista ugu weyn ee Netherlands iyo Bellingham ah badbaada ay England heli karto hadii uu Harry Kane sidiisii usii ahaado maqane jooge.
Hadaba yaa caawa soo gudbi doono oo Spain ku wehlin doono Ciyaarta Final-ka ? Ma Netherlands ama England ?
England soo bixi karta