citysports24

Liverpool ayaa diiday dalab 11.8 milyan ginni ah oo kaga yimid

Liverpool ayaa diiday dalab 11.8 milyan ginni ah oo kaga yimid Marseille oo ay ku doonaysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wataru Endo

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Japan, oo 31 jir ah ayaa Liverpool ugu soo biiray heshiis afar sano ah oo uu kaga soo biiray Stuttgart aduun dhan £16.2m bishii August ee ina dhaaftay

Waxa uu saftay 43 kulan oo ay ku jiraan 20 kulan oo Premier League ah oo uu ku soo bilowday waxana uu ku guuleystay League Cup xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Anfield

Marseille waxaa maamula Roberto de Zerbi kaasoo ka horyimid Endo isagoo macalin u ah Brighton xilli ciyaareedkii hore

Reds oo sidoo kale ka warqabta xiisaha dheeriga ah ee ciyaaryahanka daafaca uga imaanaya kooxaha kale ee Jarmalka

Liverpool oo wali wax saxiix ah samayn xagaagan kadib imaatinka tababare Arne Slot