Chelsea oo wax tallaabo ah ka qaadi doonin Enzo Fernandez kadib markii uu hees bahdil ah u qaaday ciyaartoyda
Chelsea oo wax tallaabo ah ka qaadi doonin Enzo Fernandez kadib markii uu hees bahdil ah u qaaday ciyaartoyda madowga ah ee France kadib markii uu raali galin siiyay dhawr ciyaartoy oo France ah
Fernandez oo lagu eedeeyay cunsuriyad aan la joojin saaxiibkii ay isku kooxda ahaayeen ee Chelsea Wesley Fofana muuqaal uu soo dhigay bartiisa bulshada ka dib markii Argentina ay 1-0 ku garaacday Colombia finalka Copa America 14kii July
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina 23 ayaa Isniintii ka degay magaalada Atlanta ee dalka Mareykanka waxaana uu ka hadlay dhacdada
Chelsea waxa ay kicisay hab edbin gudaha ah kaas oo hadda xidhan iyada oo aan wax tallaabo ah laga qaadin, ururka saxafada oo ku waramaya
Tababare Enzo Maresca ayaa sheegay in ciyaartoyda Chelsea ay dhammaan aqbaleen raaligelinta Fernandez
Si daacad ah u hadlo dhamaanteen waxaan dareemaynaa raaxo iyo wanaag Enzo Fernandez ayaa soo laabtay wuu nala sheekeystay wuxuuna caddeeyey in aysan jirin ujeedo xun ayuu yiri Talyaanigu
Kulanku wuxuu noo dhexeeyay aniga Enzo iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda kale Wes Fofana oo halkaas joognay si aan u caddeeyo xaaladda ma jirto wax qarsoodi ah oo ka dambeeya dhammaanteen qaladaad ayaan sameynaa mararka qaarkoodna waa inaan raaligelinaa Enzo wuxuu raaligeliyay afar ama shan jeer
Tan iyo kalfadhigii shalay iyo xalay wax walbaa waxay ahaayeen sidii hore Dhammaantood waxay ahaayeen kuwa wada socda hadlaya oo qoslaya xaalad caadi ah Waxay ahayd dhab ahaan waxa aan filayo maadaama aan ogahay in aysan jirin wax niyad ah oo xun oo dhammaantood waa dad wanaagsan